Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Faah faahino laga helayo Qarax Miino oo Ciidamo ka tirsan DF lagula eegtay Gobolka Sh/hoose

0

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Sh/hoose ayaa shheegaya in Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya qarax miino lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Ciidamada ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoos ,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidamada,waxaana ku geeriyooday 5 Askari oo gaariga la socday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhaawac jiro.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply