Hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in loogu Hanjabay in Wiilkeeda Kilyaha lagala baxaayo

Hooyo Mako Maxamed Axmed waa mid ka mid ah hooyooyinka ku nool Magalada Muqdisho waxaa ay sheegtay in mudo ka badan Hal sano uu Wiilkeda u xiran yahay magafaha Libya,isla markaana uu weeydiistay lacag madax furasho ah.

Hooyo Mako oo la hadashay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliya waxay ka codsatay iney gurmad u sameeyaan si ay wiilkeeda uga soo badbaadiso Magafaha ku heysta dalka Liibiya.

Dhalinyaro badan oo doonayay iney dalalka Yurub ka galaan ayaa lagu heystaa dalkaasi Liibiya halkaasi oo ay ku rafaadsan yihiin.