Faah faahino laga helayo Qarax ka dhacay Shirkad Isgaarsiin oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho,isla markaana uu sababay dhimashada lab ruux sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, hayeeshee weli aan la shaacin nooca qaraxa, iyada oo laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay

Weli macada nooca uu ahaa qaraxaasi iyo in goobta la dhigay iyo in kale,waxaana halkaasi baaritaano ka wada qaar ka mid ah hay’adaha Amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.