Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Somaliland oo war cusub ka soo saartay Markabkii Xoolo siday oo lagu xayiray Sacuudiga

0

Tan iyo markii dowladda sacuudiga ay ku xayirtay Magalada jidah Mrkab siday xoolo farabadan uu ka qaaday Dekadda Magalada Berbera wallow dibxayiraada looga qaaday ayaa waxaa siideynta markaas looga hadlayay siyaabo kala duwan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliland Cabduqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Ganacsi oo adag,isla markaana Markabkii xoolaha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Soomaaliland ah.

Dhinaca kale kulan aan caadi aheyn oo Maanta yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in dadaal ay sameysay xukuumadda Soomaaliland markabkaas xoolihii saarnaa lagu dejiyay.

Si kastaba hadalladaan is khilaafsan oo Soomaaliland ay kasoo saartay markabkii Xoolaha siday oo ay dowladda Sacuudiga xayirtay ayaa kusoo aadaya xilli shalay warbaahinta qaarkood ay baahinayeen in Markabkaas lagu siidaayay amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

You might also like More from author

Leave A Reply