Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO: Jubbaland oo u digtay siyaasiyiinta siyaasadeynaya arrimaha amniga

0

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan sheegay in marnaba maamulka Jubbaland uusan gorgortan ka galeyn amniga deegaanada Mamulkaas.

Waxa uu sheegay in dhamaan heegan la geliyay Ciidamada kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubbaland,waxaana uu ka digay in la siyaasadeeyo amniga deegaanada Jubbaland,isaga oo sheegay in marnaba Jubbaland ogolaan doonin.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa imaanaya xilli Gelinkii dambe ee Jimcii weerar ku bilaawday qaraxyo lagu qaaday Hotel Cas-casey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo,weerarkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

You might also like More from author

Leave A Reply