Faah faahin: Qarax ismiidaamin & mid toos ah oo ka socda Hotel ku yaalo Kismaayo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday oo marqibnimadii cawa lagu qaaday Hoteelka Cas Caseey oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Hoteelka weerarka lagu qaaday waxaa degganaa dad shacab ah iyo masuulyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland,waxaana la sheegay in uu ahaa meel Mashquul badan oo bulsho badan ay ku kulanto.

Weerarka ka hor Koox hubeysan ayaa Qarax ku weeraray Hoteelka ka dibna Koox Hubeysan ayaa gudaha u galay Hoteelka.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in goob ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ciidanka Nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in ay goobta gaareen, islamarkaana ay bilaabeen howlgal ay ku dagaallamayaan Kooxda weerartay Hoteelka.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli maanta mas’uuliyiin uu ka mid yahay Axmed Madoobe ay u dalxiis tageen deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply