DHAGEYSO: Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo shaaciyay qorshe MW Farmaajo ku doonayo inuu ku maareeyo Kiiska Badda

0

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay maqleen maalmahaan in madaxda Dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay ka tanaasulaan arrinta Badda ee kala dhaxeysa Dowladda Kenya oo taalla Maxkamada

ACJ.

Waxa uu sheegay inay jiraan Dowlado iyo safaarado dowladda cadaadis ku saaraya ka tanaasulida arrintaas,isla markaana doonaya in banaanka maxkamada si wadahdal ah loogu dhameeyo, hayeeshe taasi ay noqoneyn wax la aqbalayo.

“Todobaadydii ugu dambeeyay waxaan maqalnay oo meelaha qaar lagu soo qoray in dowladdo iyo safaarado ay riixayaan in maxkamada banaankeeda lagu dhameeyo dowladana ay dooneyso arrintaasi si maamul goboleedyada loogu riixo,mana ogolaaneyno mana fiicno in maamul goboleedyada loo bubur buriyo in uu ku bedesho qadiyad ay soomaali oo dhan leedahay ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble.

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa waxaa warbaahinta Kenya qaarkood ay qoreen in arrinta badda ay ka wada hadli doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana garwadeen uu ka noqon doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wallow hadalkaas Madaxtooyada Soomaaliya beenisay.

You might also like More from author

Leave A Reply