DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo & dagaal toos ah oo socda

0

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Qarax Weyn laga Maqlay Gudaha Magaalada Kusmaayo Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen, Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka loo yaqaan Cas Caseey iyo Maamuus oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka Koox hubeysan.

Shacabka ka agdhow goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa cabsi badan dareemayaa,waxaana socota rasaas u muuqata mid la isweydaarsanayao.

You might also like More from author

Leave A Reply