Wasiir Cawad oo si Cajiib ah uga hadlay kulanka Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ee Adis-ababa

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si faah faahsan kaga hadlay war saacadihii la sloo dhaafay si aad ah looga hadal hayay Baraha Bulshada iyo warbaahinta,kaasi oo ah in Itoobiya ay dhex dhexaadineyso

Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale,Wasiir Cawad ayaa ka hadlay waxa ka jira kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku yeelanayaan magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

Hayeeshee warkasi waxaa been abuur ku tilmaamay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxana xusid mudan in warka ku saabsan in wadahadal laga gelayo Badda Soomaaliya horay u beenisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida ay mar walba ku dhiiradaan wararka been abuurka ah,waxaana wasiirka uu sheegay in Go’aanka la xiriirta Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo.

Warbaahinta Kenya ayaa dhowr mar qortay warar la xiriira Arrimaha Soomaaliya,kuwaas oo aan dhicin,hayeeshee weli dad badan ay aaminaan Warbaahinta dalkaas, iyada oo la ogyahay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay.

You might also like More from author

Leave A Reply