Askari ka tirsan Ciidanka DF oo Gabar 9-sano jir ah ku Kufsaday Gobolka Sh/dhexe

0

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya uu Kufsi u geystay gabar 9 jir ah oo ku sugneyd degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gabadhan oo ka timid Dugsi Qur’aan ayaa la sheegay inuu afduubtay askarigaasi, kuna Kufsaday guri ku yaalla ka soo horjeeda xarunta maamulka degmada Raage Ceelle.

Qaar ka mid ah ehellada gabadhaasi yar oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey Kufsiga, waxaana ay sheegeen in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay gabadhooda.

Ehellada ayaa tilmaamay in askariga geystay falkan uu galay xarunta degmada, islamarkaana illaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigon.

Sidoo kale Waalidiinta gabadha yar ayaa maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha oo xaalad adag ku jirta loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdeeda caafimaad.

Dhacdadan ayaa waxa ay aad ah u taabtay dadka deegaanka oo si aad ah uga xumaaday falkaasi argagaxa leh.

You might also like More from author

Leave A Reply