AKHRISO: Magacyada 5-ruux oo ay Al-Shabaab sabab la yaab leh goob fagaaro ah ugu toogteen

Kooxda Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalo Gobolka Shabeelaha hoose ku toogtay 5-ruux oo ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

5-ta  Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah  ayaa waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegeen.

1:  Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la Shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.

2: Cabdi kariim Muuumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.

3: Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

4: Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

5: Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

Si kastaba Al-Shababa ayaa inta badan deegaanada ay maamulaan waxaa xukuno dil ah ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha ka socda Dowladaha taageeraa Dowladda Soomaaliya.