Somaliland: Xukun lagu riday Mas’uul lagu eedeeyey Aflagaadeynta Muuse Biixi

0

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Khamiis waxaa ay xukun Xabsi ah ku riday gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq dhamme.

Guddoomiyaha ayaa mudo 50 Maalmood ah ku xirnaa Xabsiga Magalada Hargeysa,waxaana  lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,iyada oo Maxkamada Magalada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay 6 Bilood oo Xabsi ah.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay Xukunka maxkamadda ay Maanta ku riday gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq dhamme,waxaana mas’uuliyiinta Xisbiga WADANI ay isku dayayaan in damaanad ay ku siidaayaan mas’uulkaas.

Soomaaliland ayaa horay waxaa xukuno kala duwan ugu riday dad lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin inay ku kaceen falal ka hor imaanaya jiritaanka Soomaaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply