DHAGEYSO: Ahlu suna oo la sheegay iney caqabad ku tahay dhismaha Maamulka Galmudug

0

Maalmihii la soo dhaafay Shacabka Soomaliyeed iyo Siyaasiyintaba waxaa ay isha ku hayaan xaalada Galmudug oo xilligaan uu ka muuqdo isbedel, iyada oo mas’uuliyiinta dowladda inta ugu badan ay ku sugan yihiin deegaanada Galmudug.

Labadii sano ee la soo dhaafay Maamulka Galmudug waxaa uu ku jiray xaalad siyaasadeed oo cakiran,kadib khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Xaaf iyo dowladda federaalka,hayeeshee ay haatan u muuqato xoogaa isku-soo dhawaansho ah wallow weli sidii la rabay aysan jirin.

Siyaasiyiin badan ayaa qaarkood aaminsan in weli uusan dhamaan khilaafkii ka taagnaa deegaanada Galmudug iyo in Beelaha qaar ee Reer Galmudug ay weli cabasho qabaan.

Siyaasiga Cali zeko oo ka mid ah Siyaasiyinta kasoo jeeda Maamulkaas ayaa qaba in caqabada Koowaad ee Maamulka Galmudug ay yihiin Ahlusunna oo awood xoogan ku leh deegaanada Galmudug,kuwaas oo haatan heshiis la galay Dowladda Federaalka.

You might also like More from author

Leave A Reply