DF oo Muqdisho ka soo dejisay Wasiirkii keliya ee Saaxiibka la ahaa Axmed Madoobe & Qorshe cusub oo socda

0

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdirashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa la dejiyey xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Muqdisho.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in socdaalka Janan uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka raadineyso albaab ay ka gasho, xilli ay aad isku khilaafsan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa horey u diiday in dowladda federaalka ah ay wax kaalin ama korjoogto ah ku yeelato doorashada madaxweynaha Jubaland.

Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply