SAWIRRO: Madaxweyne Xaaf oo si weyn Cadaado ugu soo dhoweeyay RW Kheyre

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa degaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kasoo Ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo galbiyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay madaxweyne Xaaf.Xildhibaano iyo Waxgaradka Cadaado.

Dhanka kale, Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin.

Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Cadaado, waxaana Caawa halkaasi ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Guud.

1 83 (1)
1 83 (1)
1 83
1 83
2 83
2 83

You might also like More from author

Leave A Reply