DEG DEG+FIIRSO: Deegaano cusub oo Al-Shabaab lagala wareegay,Xaalad kacsanaan oo ka jirta Itoobiya & Wararkii ugu dambeeyay Xiisada Galmuudg ee Dhuusa-mareeb

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali( Najax) ,waxana Ciidamada ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka xarshanleey,sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

“Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada DANAB oo nabad diidka ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada MARKA ayuu yiri guddoomiye Najax.

You might also like More from author

Leave A Reply