Wararkii ugu dambeeyay Qarax ciidamo ka tirsan DF lagula eegtay duleedka Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax degaanka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca dagaalka ah.

Qaraxan oo la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ciidanka waxa uu ku qabsaday agagaarka Labaajadda degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay markii qaraxaasi uu dhacay in ciidamada dowladd ay xireen wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garasbaaley ayaa xaqiijiyay in 3 Askari ay ku dhinteen Qaraxa sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhaawaad 5 ruux oo ku jiro taliye Ciidan.

Ciidanka Qaraxa lala eegtay ayaa ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka yimaadeen degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply