SAWIRRO: Golaha Aqalka sare oo ansixiyay Wax ka badalka lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha+

0

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah xarunta Golaha ku yeeshay Kal-fadhiga 5 aad Kulankiisa 9-aad.

Kulanoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa akhrinta 3-aad ee dib u eegista Xeer hoosaadka Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer hoosaadka anshaxa iyo Xasaasanada Golaha Aqalka sare Senator Xasan Faarax Xujaale ayaa Senatarada u akhriyay qodobada wax ka bedelka lagu saleeyay ee dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Aqalka sare,waxayna intaasi ka dib Golaha Aqalka sare codeyn u qaadeen Akhrinta 3-aad ee dib u eegista xeer hosoaadka Golaha.

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Gacan taaga ah,kulanka oo ay xaadir ahaayeen 30-Senator ayaa Waxaa ogolaaday 29-Senatar ,mana jirin xubin diiday ama ka aamustay.

Fb Img 1561215429136
Fb Img 1561215429136
Fb Img 1561215426714
Fb Img 1561215426714
Fb Img 1561215432164
Fb Img 1561215432164
Fb Img 1561215436800
Fb Img 1561215436800
Fb Img 1561215443659
Fb Img 1561215443659
Fb Img 1561215446700
Fb Img 1561215446700

You might also like More from author

Leave A Reply