Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku qaarijiyay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaas,isla markaana waxa Sarkaalka u geystay rag dhalinyaro ahaa oo watay Bastoolado,iyagoona dhowr xabadood ugu dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanlle dhexe Max’med Xuseen dhaqane,kaasi oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda,waxana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas ku sugna meel aan sidaas u fogeyn ay tageen goobta uu falka ka dhacay,isla markaana waxa ay halkaas ka qaadeen Meydka Marxuumka.

War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada dilka loo gesyaty Gaashaanlle dhexe Max’med Xuseen dhaqane oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta dowladda Federaalka iyo dadka shacabka,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply