SAWIRRO: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha DF oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Ka hor tegitaanka Wasiir Sabriye ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka horeysay Warqad uu soo saaray Madaxweyne Xaaf uu Shirkadaha Diyaaradaha uu ku amrayay in deegaanada Galmudug keen I Karin wafdi ka socda Dowladda,hayeeshee wadahadal kadib la isku raacay in Wasiirka uu tago Dhuusamareeb.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Ahlusuna eek u biiray Galmudug ay dhankooda ogol yihiin in wadahadal lala furo wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,hayeeshee taasi uu ka horyimid Madaxweyne Xaaf.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda sare ee Galmudug, iyaga oo ka wada hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa waqtiga doorashada Galmudug ay dhaceyso oo la isku khilaafsan yahay.