Puntland oo Boosaaso ku qabtay 6-xubnood oo Al-Shabaab & Daacish isugu jira


Ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay ku soo qbateen Lix xubnood oo Shabaab iyo Daacish isugu jira, kuwaasoo xarunta ganacsiga Puntland ka waday falal lidi ku ah amaanka.

Qoraal ka soo baxay Ciidanka Xoogga ee PSF ayey ku sheegeen in sidoo kale howllgalka ay ku soo qabteen Agab kale iyo Sahay loo waday Kooxahan, wallow aysan cadeyn inta uu gaarsiisan yahay waxyaabaha kale ee ay gacanta ku soo dhiggeen.

“Ciidanka PSF hawlgal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish iyo agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish” ayay ku yiraahdeen qoraalka Facebooga.

Howlgalka oo dhacay habeenkii Khamiista 19-ka bishan ayaan la ogeyn inuu jiro khasaare ka dhashay inta ay socotay qabashada xubnahan Shabaab iyo Daacishka ah ee maamulka Puntland.