FIIRSO: DF oo u digtay shaqsiyaadka & Mas’uuliyiinta dhaawaca Qaranka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah Hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Warkaan ayaa kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono.

Warka  laguma shaacin Magacyadda Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo horjeedda Qadiyadda Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka waxay qaadeysaa Tallaabooyin waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalo,kuwaasi oo lagula xisaabtamayo shaqsiyaadka iyo mas’uuliyiinta ay ku cadaato iney ka shaqeynayaan garabsiinta cid walba oo uu damac kaga jiro xuduudaha dhuleed,iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply