Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda magaalada Baladweyne & shirar ka socda

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne Xarunta Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi ka dhaceen kulamo kala duwan oo u dhaxeeya  qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Beledweyne iyo Guddi Wasiiro ah oo uu Madaxweynaha Hirshabeelle u saaray

Xaaladda Beledweyne.

Kulamaddaan ayaa ka socda Xeradda Ciidanka AMISOM ee Duleedka Magaalada Beledweyne, waxaana looga hadlaya sidii loogga hortagi lahaa Banaanbaxyadda ka bilowday Magaalada in ay sii xoogeystaan.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Caawa degan, waxaana Magaalada ku sugan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dowladda jabuuti ee ka howlgalla gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay waan waan ku dhameeyaan Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa shalay dibadbaxayaal careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u gala Magaaladda Baladweyne, waxaana uu wali ku sugan yahay Xeradda Ciidanka AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply