Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Ciidamada amniga oo xalay Howlgal dad lagu soo qabtay ka sameeyay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay xalay ciidanka amniga ka sameeyeen degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen xaafado bartilmaameed u ahaa,isla markaana waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Guryo ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ku qabteen dhalinyaro farabadan kuwaas oo ay weeydiinyen Su’aalo dhowr ah,in kastoo markii dambe qaarkood dhalinyaradaas ay siidayeen.

Ujeedka Howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amnidarro,waxaana laamaha amniga ay horey u sheegeen in howlgalka uu sii socon doono.

You might also like More from author

Leave A Reply