Faah faahino laga helayo Madaafiic lagu garaacay Xeralada Xalane ee Muqdisho

0

Magaalada Muqdiho ayaa aroortii hore ee saakay laga maqlayay dhawaqa tiro madaafiic ah ku dhacayay dhanka Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku sugan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Madaafiicdaas laga dhex ridayay Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane,isla markaana ay ahaayeen kuwa Tijaabo ahaan loo ridayay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Shaqaalaha ka shaqeeya Xalane shalay lagu wargeliyay in Ciidamada AMISOM ay tijaabin doonaan Madaafiic,isla markaana aysan ka naxin Tijaabadaas.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaarkood laga maqlayaa dhawaqa Madaafiic culus,kuwaasi oo aan la qoonsan halka laga soo tuuro,iyagoona geysta Khasaarooyin kala duwan iyo mid hantiyadeed.

You might also like More from author

Leave A Reply