DHAGEYSO: Amaro culus oo la dul dhigay Saraakiisha & Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Hiiraan

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ay amaro dul-dhigtay Ciidamada iyo taliyeyaasha Ciidamada eek u sugan Gobolkaas,kadib dagaal ka dhacay duleedka Magalada Baldweyne.

Ciidamada iyo Saraakiishooda ayaa looga digay inay ka qeyb qaataan xiisada ka taagan Gobolka Hiiraan taas oo sababtay in uu ku geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska Gobolkaas Maxamed Macow Xalane.

Amarkaan ayaa waxaa uu kasoo baxay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeeybta 27-aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya,waxaana Warbaahinta u Akhriyay Dhame Maxamed Cabdulle Adan.

You might also like More from author

Leave A Reply