XOG: MW Farmaajo oo soo farageliyay Khilaafka sii xoogeysanaya ee Taliye Ameeriko iyo Saadaq Joon

0

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka awoodda ku saleysan ee u dhaxeeya Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ah taliyaha qeybta Booliska Gobolka

Banaadir.

Sida wararka aanu ku heleyno, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuldareystay inuu xaliyo Khilaafka Labadan Sarkaal,balse taa badalkeeda wuxuu la saftay Saadaq Joon oo sida la aamisan yahay xafiiska ku jooga rabitaanka Xasan Cali Kheyre.

Illo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in qasab ay noqotay in arrintaan uu soo farageliyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,wuxuuna amar ku siiyay Saadaq Joon inuu u hoggaansamo amarka Taliye Ameeriko,islamarkaana u aqoonsado inuu ka sareeyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ku soo caan baxay weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu is biday awood isagoo kalsooni iyo garab buuxa ka heysto Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Sida xog aan ku helno,Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa marar badan ka dalbaday madaxweyne Farmaajo in la badalo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku shaqeyn waayay go’aanno dhowr ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre.

Doodda iyo muranka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saadaq Joon ayaa mudo soo jiidameysay,waxayna cirka isku sii shareertay markii hab beeleed u diiday amar ka soo baxay Taliye Ameeriko oo ahaa inuu Ciidamada Haramacad ee uu tababaray Turkiga uu geeyo Xaafadda Jaamacadaha oo ay ka taagneyd Xiisad u dhaxeyso Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyo hab beeleed u abaabulan.

You might also like More from author

Leave A Reply