DEG DEG: Dagaal ka socda duleedka Baladweyne iyo saraakiil ciidan oo ku geeriyootay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Kalabeyr ee duleedka magaalada Baladweyne uu dagaal xooggan haatan ku dhexmarayo Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Hirshabeelle iyo Ciidan kale oo taabacsan Guddoomiyihii xilka

laga qaaday ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Dagaalka ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxana wararku sheegayaan in uu ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku daraayn in weli deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwa daacad u ah yuusuf Dabageed.

Xaalada Magalada Baladweyne aya xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo dagaala ka socda duleedka degmadaas.

You might also like More from author

Leave A Reply