DEG DEG+FIIRSO: Muranka Badda Kenya & Somalia oo sii xoogeysan kara & Kenya oo ka Naxsan Go’aanka ICJ

0

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay sii xoogeysato, xilli hadda uu soo dhawaaday waqtigii ay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda go’aan kasoo saari lahayd muranka xadka badda ee u

dhaxeeya labada dal, Sida lagu xusay Qormo lagu daabacay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.

Warqad diblomaasiyadeed oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya 21-kii bishii May waxay ugu hanjabtay inay awood adeegsan doonto haddii ay muwaadiniinta Soomaaliya sii wadaan ka hor imaanshahada iyo burburinta darbiga ay ka dhiseyo xuduudda dhulka ee u dhaxeysa labada waddan.

“Sii wadista tallaabo kasta oo looga hor imaado ama wax loogu dhimo darbiga xadka waxaa looga jawaabi doonaa si ay awood ku dheehantahay,” ayaa lagu yidhi qormada warqadda oo ay saxiixday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, lana sii marsiiyay howlgalka Kenya ee Soomaaliya, ka dibna lasii gaarsiiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya 25-kii isla bishii May.

You might also like More from author

Leave A Reply