XOG+FIIRSO: Qorshaha Beelaha Hawiye & Isaaq ee Farmaajo iyo dalal Ajanabi ah oo abaabulaya duulaankaas

0

Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Hawiye kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin.

Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Hawiye iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan.

You might also like More from author

Leave A Reply