Wararkii ugu dambeeyay dil xalay magaalada Jowhar loogu geystay mas’uul ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay Kooxo hubeysan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ugu geysteen Gudoomiye kuxigeenkii degaanka Gamboole.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Maxamed.

Dilka ayaa dhacay xalay Salaadii maqrib ka dib sidda ay dad goob joogayaal inoo xaqiijiyeen.

Kooxihi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya ee booliska, islamarkaana waxa ay bilaabeen baaritaano.

Wararka soo naga soo gaarayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu magaalada ka socdo howlgal lagu baadi goobayo raggii xalay dilka fuliyay.

You might also like More from author

Leave A Reply