FIIRSO: Somaliland oo Ciidankii ugu badnaa geysay Gobolada Sool & Sanaag

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland,waxaana la sheegay in ciidankaan ay fulin doonaan Amar kasoo baxay Somaliland oo ahaa soo qabashadda Saraakiishii ku

biirtay maamulka Puntland.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ay tageen degaanada,Yubbe, Hadaaftimo,Damal-xagarre  iyo deegaano kale,waxaana ay kusi jeeddaan degaanadii dhawaan ay Ciidanka goostay ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanadaasi ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaas ay yihiin kuwo hor leh, ayna ka cabsi qabaan dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply