DEG DEG+FIIRSO: KENYA oo gubtay alaab ganacsi oo ka timid Somalia iyo xiisadda oo kasii daraysa

0

Dowladda Kenay ayaa qaaday tallaabo kale oo sii xumeyn karto xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku taagnaa hal lug.

Dowladda Kenya ayaa dab qabadsiisay Alaab iyo Raashin ku fadhiyey 55 Kun oo Dollar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Magaalada Mandere.

Alaabtaan ayaa ganacsi ahaan looga keenay dalka Soomaaliya waxaana is hor istaag ku sameeyey Ciidamada Dowladda Kenya oo ugu dambeyn gubay hantidaas ay lahaayeen dad Soomaaliyeed.

Odayaasha Mandheere ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay joojisay in Badeeco laga soo gudbiyo Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya tan iyo markii la afduubtay Dhakhaatiirtii u dhashay dalka Cuba.

You might also like More from author

Leave A Reply