R/wasaare Kheyre oo u amba-baxay dalka Qadar+Ujeedka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi.

ka horta uusan Ra’iisal wasaaraha ka amba-bixin magalaada Muqdisho ayaa waxaa loo xiray wadada xiriirisa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo la dhigay ciidanka sida gaarka ah u ilaaliya Madaxtooyada ee loo yaqaano “Koofi Gaduud”.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

You might also like More from author

Leave A Reply