Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Howlgalo lagu baacsanayo Ururka Al-Shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka bilaabay deegaano ka mid ah gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka fuliyay Dhoobley, Gergilis, Hila Ari iyo Bakal oo 25 dhinacyada Waqooyi iyo Bari ka xiga Baardheere.

Dagaal Kooban ayaa dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab intii ay ku jireen howlgalkaasi ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ee Gedo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro kusoo qaadda Kontoroolada Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

You might also like More from author

Leave A Reply