FIIRSO: Wasiir ka badbaaday shil gaari & ilaaladiis oo ku dhaawacmay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka.

Wasiir Saadaq ayaa la xaqiijiyay in uu Caafimaad qabo laakiin qaar ka mid ah Askartii la socotay ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Dhaawacyadda ayaa lasoo gaarsiiyay Magaalada Dhuusamareeb sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Saldhig ku leh duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu shilkaasi dhacay xilli ay kusoo jeedeen Magaalada.

You might also like More from author

Leave A Reply