DEG DEG+FIIRSO: Ciidamo ku Hanjabay iney ka soo baxayaan Furumaha dagaalka Gobolka Sh/dhexe

0

Ciidamo ka tirsan Kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya kana cabanaya mushaar la’aan ayaa ku hanjabay in ay soo baneynayaan fariisimaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamadda cabanaya hogaaminaya oo lasoo xiriiray idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in bilooyin aysan lacago mushaar ah qaadanin,islamarkaana ay si joogto ah ula dagaalamaan Xarakadda Al-shabaab.

Waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u bixinaysay mushaarka Ciidamadda Dowladda kadib markii ay kasoo baxeyn horaan furamaha dagaalka balse haatan mar kale ay jaratay mushaaraadka.

You might also like More from author

Leave A Reply