Deeqa Afro: “Afku xoogle dib u jeeso”

0

Fannaanada da’da yar ee Deeqa Afro ayaa markii ugu horeysay soo saartay hees cusub oo ay ku bah dileyso ragga damaca badan iyadoo fannaanada muuqaalkeeda si weyn uga duwan yahay heesihii ay horay u soo saari jirtay.

Heestaan cusub oo lagu magacaabo “Afku xoogle dib u jeeso” ayaa Deeqa Afro waxay ku qaadeysaa iyadoo wadata dhar asturan ilaa iyo gacmaha kaasi oo si weyn uga duwan muuqaalka heesaheedii hore markaasi oo qaawisay qeybo jirkeeda ka mid ah isla markaana dharka ay qaadan jirtay uu ahaa mid qafiif ah.

“Intaad qaraxa xooreysid maatada xasuuqeysid anna kaa xishoonmaayo, maryaheyga xiranmaayo guur kuu xilamaayo afku xoogle dib u jeeso” ayaa ka mid ah miraha heestaan cusub, waana daawo heesta oo dhameystiran:-

You might also like More from author

Leave A Reply