FIIRSO MUUQAALKA: Somaliland oo si La Yaab leh kaga hadashay Xiisadda Kenya & Soomaaliya

0

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Xiisadda diplomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli ay jireen maalmihii ugu dambeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in Somaliland aysan labadaba taageersaneyn, islamarkaana ay ugu baaqayaan in ay dhameeyaan xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan.

Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso in ay fursad kaga raadiso Kenya Khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay yeeshaan xiriir Wanaagsan.

“Annaga ma dhihin kuwa ka dhex faa’ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

“Soomaaliya wax kuma tartato Kenya ee Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Farmaajo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Nairobi ay kulamo kala duwan kula yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, islamarkaana ay kala hadleen danaha Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply