Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

FIIRSO: Askarigii shacabka ka badbaadiyay Qaraxii Guraceel oo la abaal marinayo

0

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Xasan Masagawaay ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay isku diyaarinayaan in ay abaalmariyaan Askartii shalay fashilisay Qaraxii la doonaayay in lagu laayo dadka Shacabka ah.

Waxaa uu sheegay  Madaxweynaha Galmudug uu ballanqaaday in si deg deg ah Askartaasi loo abaamarin doono, islamarkaana uu kaga mahadcelinaayo sidda ay Shacabkooda u badbaadiyeen.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wali ay socdaan howlgallo culus oo lagu baadigoobaayo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Xaafaddaha degmada Guriceel.

Ciidanka ayuu sheegay in ay qabteen ku dhawaad 5 ruux oo lagu tuhmaayo falkii shalay ka dhacay Guriceel ee Shacabka lagu leyn rabay.

Askari ka mid ah Ilaaladda Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shalay isku duubay ruux isku soo xiray waxyabaaha qarxa oo doonaayay in uu isku qarxiyo Munaasabad ka socotay degmada Guriceel.

You might also like More from author

Leave A Reply