DEG DEG+FIIRSO: Abaabul dagaal oo ka socda Gobolka J/Hoose & Axmed Madoobe oo qorshe cusub wada

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa uu abaabul dagaal ka wadaa deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka maamulaan.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday deegaanka Baar-sanguuni,waxana saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ma ahan markii ugu horeysay ee uu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee dhowr bilood ka hor ayuu dagaal ku dhawaaqay,isaga oo waliba soo bandhigay dhoolatus Ciidan balse aan waxba ka hirgelin.

You might also like More from author

Leave A Reply