XOG+FIIRSO: Halkuu ka yimid Ninkii isku qarxin rabay Guraceel ee gacanta lagu dhigay?

0

Kadib markii Maanta barqadii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay nin doonayay in uu is qarxiyo xilli ay halkaasi Munaasabad ka socotay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay falkaasi Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in Ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii sanado ka hor  Ahlusuna iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Galgaduud,hayeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi kadib mid ka mid ah askarta uu baaritaano ku sameeyay,kadib markii laga  shakiyey intaasi kadibna lagu arkay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply