Sababaha keena dhibaatooyinka dhallinyarada ku heysta dalka gudihiisa & dibadisa

0

Yusuf Yuusuf Abraar oo horay dalka uga soo qabatay xilal kala duwan oo ku sugan dalka Kanada ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay xaaladaha heysta dhallinyarada Soomaalida ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Waxay sheegtay in dhallinyarada joogta dalka gudihiisa ay heystaan duruufo niyad jab miiran ah, iyadoona sheegtay in dhallinyarada marka ay wax bartaan oo ay ka soo baxaan jaamacadda aaney heleynin wax shaqo ah taasina sababtay inay dalka ka tahribaan.

“Dhallinyarada iskuulka ayay ka soo baxayaan, jaamacadda marka ay dhameeyaan shaqo ma jirto markaasina waxaa ku dhacaya mooraal jab” ayay tiri Usur Abraan oo khudbad ka jeedineysay munaasabad uu soo qabanqaabiyay ururka RAJO oo ay leeyihiin jaaliyadda Soomaalida dalkaasi Kanada.

Haweeneydaan oo iyadu si dhow ula socota xaaladda Soomaalda ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sheegtay inay iyadu u kuur gashay asbaabaha keena dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Kanada degan.

“Waxaan la kulanay Booliska dalka Kanada, waxaana su’aalay sababta keeneysa dilalka dhallinyarada dalkaan joogta, arrin aan fileyn buu igu yiri, wuxuuna yiri waxaa keenaya rajo xumada Soomaaliya” ayay tiri Yusuf Abraar.

Saraakiisha Booliska Kanada waxay sii raaciyeen hadalkooda inay diiwaan geliyeen arrimo dhowr ah, marka ay dhibaatada geysanayaan dhallinyaradana waa marka ay war xun ka maqlaan dalkooda.

You might also like More from author

Leave A Reply