DEG DEG+FIIRSO: Maleeshiyaad taabacsan P/land oo goordhow la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

0

Wararka naga soo gaarayo deegaano hoostaga magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay ku waramayaan inay la wareegeen maleeshiyo beeleed ka amar qaata Maamulka Puntland, kadib dagaalka ka dhacay deegaankaas.

Maleeshiyaad farabadan oo qaarkood wata Gaadiidka nooca Xamuulka qaada ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay gaareen deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dhawaan tegay deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,hayeeshee waxaa dagaal kala hortegay Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,taas oo keentay in maleeshiyaad hubeysan ay deegaankaas tagaan.

1 4
1 4
2 4
2 4
3 4
3 4

You might also like More from author

Leave A Reply