DEG DEG+FIIRSO: Itoobiya oo qorsheyneysa iney isku soo dhoweysay Kenya & Somalia & Xog Xasaasi ah oo aan helnay

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay Al-shabaab la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka

Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka  Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Daljirka,isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba  ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Halkaan Hoose ka Fiirso Muuqaalka:-

You might also like More from author

Leave A Reply