FIIRSO: Wararkii ugu dambeeyay Arday lagu rasaasadeeyay Muqdisho & Xaaladooda Caafimaad

0

Gaarigaan ayaa xilli uu marayay Bar Koontorool oo lagu hubiya Gaadiidka oo ku taalla degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir,waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda soomaaliya.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa arday dhigata Iskuulka Al-Anwaar (Ex Dhame Yaasiin Carte) ee Magalada Muqdisho,waxaana rasaastaas ku dhaawacmay saddex arday oo walaalo ah,kuwaas oo lagu kala Magacaabo Safiyo Daahir,  Zakariye Daahir iyo Hodan Daahir.

You might also like More from author

Leave A Reply