XOG: Madaxweynaha Puntland oo kusii jeeda gobalka Mudug, Waase maxay Ujeedada Socdaalkiisa?

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warar ay heshay Warbaahinta waxay sheegayaan in uu ku sii jeedo gobalka Mudug, tan iyo markii uu xilkaas qabtay horaantii sannadkan waa booqashadii Koowad ee uu ku tagayo.

Madaxweynaha oo ay safarkiisan ku wehlin doonaan wasiiradda iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaas ayaa lafilayaa in uu todobaadkan dhamaadkiisa tago magaalada Gaalkacyo.

Siciid Deni ayaa booqan doona degmooyinka gobalka Mudug oo uu kula kulmi doono madaxda dhaqanka iyo bulshada oo ay ka wada hadli doonaan qorshayaasha hortabinta leh ee ay dawladdiisu qaban doonto shanta sanno ee nagu so aadan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa balan qaaday in uu si siman dhammaan adeegyada dawladda u gaarsiin doono gobalada oo dhan, waxaana Isha lagu hayaa sida ay Xukuumadda Deni u maamusho horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Waqtigii lagu jiray Ole-Olaha doorashada meelaha ugu badan ee mucaaradnimadu uga imaanaysay Musharaxnimadii Siciid Deni ayaa ahayd gobalka Mudug, oo inta badan ay gaartay dacaayado laga sameeyey hadalo uu ka jeediyey magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply