Sidee Ciidanka DF ugu suurta gashay iney gacanta ku dhigaan ruux Gaari Qarax ku dhejinayay?

0

Qarax gaari ayaa ka dhacay agagaarka Shinneemo Soomaali oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxana gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu dhejiyey xilli uu goobta yaallay,waxana weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas iyo Shaqsiga lahaa Gaariga qaraxa lagu xiray.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ka hor Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay qabteen Shaqsi la sheegay in gaariga uu qaraxa ku dhejinayay,isla markaana la geeyey mid ka mid ah xarumaha Baarista ee Ciidamada.

Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mudo hakad geliyey isku-socodka dadka iyo Gaadiidka,wallow markii dambe ay dib u fureen.

You might also like More from author

Leave A Reply