Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo gacanta ugu jira Al-Shabaab oo la ogaaday sababta loo heysto

0

Bishii Aprril 12-dii Kooxdii Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ka afduubatay Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ayaa waxaa ay dalbadeen lacago madax furasho ah.

Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyey in Kooxdaas oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay dalbadeen lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Odayaal dhexdhexaadin ka galay Labada Dhakhtar ee u dhashay dalka Cuba kuna kulmay Al-Shabaab deegaan u dhaxeeya  Bu’aale iyo Ceel Cadde oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubada dhexe ayaa la sheegay inay dalabkaas Shabaab u soo marsiiyeen.

Odayaash ayaa waxa ay sheegeen in farriintaantaas loo soo dhiibay ay kala hadlayaan dowladda Kenya si loo soo daayo labada dhaqtar oo lagu kala Magacaabo Herera Korea iyoLandy Rodriguez.

Dowladda Cuba ayaa dhaqaatiirteeda kale ee ka shaqeynayay Magaalooyinka Wajeer,Gaarisa iyo Tana River ku celisay Xafiisyadooda Magalada Nairobi kadib markii ay cabsi soo wajahday wixii ka dambeeyey afduubkii loo geystay labada Dhaqtar.

You might also like More from author

Leave A Reply