Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay & Wadooyinka qaar oo hal darteed loo xiray

0

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa la dhigay wadooyinka iyo isgoysyada waa weyn ee magaalada,waxaana xiran wadooyinka qaar.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta laga xusayaa 15-May oo ku beegan maalinta dhalinyarada aduunka.

Magaalada Muqdisho si gaar ah maanta waxaa ka qabsoomaya xaflado lagu weyneynayo maalinta dhalinyarada aduunka 15-ka May,waxaana ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa dalka.

Maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo loogu jiray u dabaal degida maalintan,waxaana la dhireeyay oo la qurxiyay goobaha taariikhiga ah ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo qarash badan uu ka galay Dowladda.

You might also like More from author

Leave A Reply